Dhuusamareeb (Idaacadda Daar-Dheer)-Xilli ay socdaan dadaallo xooggan oo lagu doonayo nabadaynta deegaanka Xananbuure, ayaa dhaqanka, haweenka iyo dhalinyarada deegaankaasi waxay muujiyeen taageero buuxda oo ay u hayaan howlaha nabadda.
Waxay sheegeen inay ka daaleen colaado soo noqnoqday, isla markaana ay dib u milicsadeen saamaynta xun ee colaadahaasi ku yeesheen noloshooda.
Warkan waxaa soo jeedineysa: Abdulahi Abdulkadir Nor