Tababar sare loogu qadayay aqoonta beraleyda oo laga dahfuray Hobyo

0
6

Dhuusamareeb (Idaacadda Daar-Dheer)Guddoomiyaha degmada Hobyo, Mudane Cusmaan Axmed Cabdulle, ayaa furay tababar sare loogu qaadayay aqoonta beeraleyda degmada Hobyo.

Tababarkan ayaa waxaa soo agaasimay Wasaaradda Beeraha iyo Bangiga Adduunka, iyadoo qeyb ka ah mashruuca FSRP.

Furitaanka tababarkan waxaa ka qayb galay mas’uuliyiin ka socday Wasaaradda Beeraha ee Galmudug, waxaana halkaas ka hadlay Isku-duwaha Wasaaradda Beeraha ee Galmudug.

Isku-duwaha ayaa sheegay in mashruucani yahay mid dhiirrigelinaya beeraleyda iyo wax-soosaarka, isla markaana ku soo beegmay xilli aad loogu baahnaa.

Guddoomiyaha degmada Hobyo ayaa bogaadiyey mashruucan, wuxuuna bulshada loo soo xulay ku dhiirrigeliyey in ay ka faa’iideystaan fursaddan muhiimka ah

waxaana inoo soo jeedinaya. Abdifitah Mohamed Ahmed

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here