Dhuusamareeb (Idaacadda Daar-Dheer)-Xili uu is xawli ah ku socdo maalgashiga dadka reer Galmudug ku sameeynayaan caasimadda Galmudug ee Dhuusamareeb, ayaa waxaa si rasmi ah magaalada Dhuusamareeb looga dhagax-dhigay dhismaha hotel lagu magacaabo INDHO PLACE HOTEL.
Dhagax-dhigga hotelkan ayaa waxaa goob-joog ka ahaa wasiirro ka tirsan dowladda Galmudug maamulka gobolka Galgaduud iyo kan caasimadda.
Warkan waxaa soo jeedineya:Liban Mohamed Abdi.