Gudomiyaha Dhabad oo ka warbixiyay dadalo lagu sii deyay dad shacab ah oo la afduubtay.

0
7

Dhuusamareeb (Idaacadda Daar-Dheer)-Guddoomiyaha degmada Dhabad ayaa ka warbixiyay dadaallo miro dhalay oo lagu soo afjaray afduub loo geystay dad shacab ah. Guddoomiyuhu wuxuu sheegay in wada-hadallo iyo isku dayo nabadeed oo ay wadeen maamulka degmada iyo odayaasha dhaqanka ay horseedeen in si nabad ah lagu sii daayo dadkii la afduubtay.

Sidoo kale, wuxuu xusay in dhacdadan ay ahayd mid argagax ku abuurtay bulshada, balse guusha laga gaaray soo deynta dadkaasi ay muujinayso muhiimadda wada shaqeynta bulshada iyo maamulka deegaanka.

Warkan waxaa soo jeedineya:Abdifitah Mohamed Ahmed.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here