Dhuusamareeb (Idaacadda Daar-Dheer)-Guddoomiyaha Xaafadda Dayax ee Magaalada Dhuusamareeb caasimaada Galmudug Abdirisaaq Mohamed Xuseen, ayaa ka warbixiyay howlaha dib-u-furista Wadooyin xirnaa iyo dayactirka wadooyinka xaafadda Dayax oo maalmihii la soo dhaafay maamulka caasimaddu, iyo kan xaafada dayax oo kaashanaya bulshada, ay kawadeen furista wadooyin xirnaa,
Guddoomiya xaafada ayaa bulshada ugu baaqay in ay ka qayb qaataan dhismaha masaajidka xaafadda, kaas oo kasoo galay wadooyinka dib-u-dayactir lagu sameyn doono.
Warkan waxaa soo jeedineya:Liban Mohamed Abdi.