Dhuusamareeb (Idaacadda Daar-Dheer)-Hay’adaha u xilsaaran dib u eegista Dastuurka ayaa kulan dadweyne ku qabtay degmada Kaxda ee Gobolka Banaadir. Kulankaas ayaa looga gol lahaa in bulshada deegaanka laga dhageysto talooyinka iyo aragtidooda ku aaddan dib u eegista Dastuurka Qaranka.
Mas’uuliyiinta guddiyada iyo qaybaha bulshada ee ka qeyb galay kulanka ayaa soo jeediyay talooyin iyo aragtiyo la xiriira sidii Dastuurka loogu dari lahaa waxyaabaha muhiimka u ah nolosha bulshada, isla markaana kor loogu qaadi lahaa ka qaybgalka muwaadiniinta.
Warkan waxaa soo jeedinaya-Abdifitah Mohamed