Dhuusamareeb (Idaacadda Daar-Dheer)-Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud, ayaa markii ugu horreysay ka hadlay muranada dhulka ee bilihii u dambeeyay ay ka cabanayeen shacabka ku nool magaalada Muqdisho.
Madaxweynaha ayaa sheegay in dowladaha hoose, gaar ahaan tan magaalada Xamar, ay masuul ka yihiin maamulka dhulka caasimadda, isaga oo tilmaamay in sababta ugu weyn ee dhalisay cabashooyinka shacabka ay tahay dhulal laga bixiyay wadooyin, taas oo sababtay in dad badan ay waayaan dhulkii ay lahaayeen.
Xasan Sheekh Maxamuud ayaa hoosta ka xarriiqay in dowladda dhexe ay ka go’an tahay xallinta khilaafaadka dhulka si caddaalad ah, isla markaana la hubin doono in aan lagu takri-falin awoodda maamulka ee la xiriirta bixinta dhulka shacabka.
Warkan waxaa faah faahinaya: Abdullahi Abdulkadir Nor