Xaasas ku dilay boqolaal ragooda ah tuulo ku taal Hungry

0
67

Dhuusamareeb (Idaacadda Daar-Dheer)-Bishii desember ee sanadkii 1929-kii maxkamad goboleed ayaa ka furantay tuulo lagu magacaabo Szolnok ee dalka Hungary. Kiiska waxa uu la xiriiray tuulo ku dhow oo lagu magacaabo Nagyrev halkaas oo tobannaan haween ah lagu eedeeyay in ay sumeeyeen ragooda.

Wargeyska New York Times ayaa xiligaas qoray in ku dhawaad 50 haween ah lagu soo eedeeyay in ay sumeeyeen rag ka tirsanaa bulshada. Wargeyska waxa uu sheegay in sanadihii u dhexeeyay 1911 ilaa iyo 1929, dad ka badan 50 rag ah lagu dilay sun. Goobta ay wax ka dhaceen waxay aheyd sida wargeysku qoray Nagyrev oo ah meel beeraley ah oo 130 kilomitir dhanka koonfur kaga beegan Budapest.

Intii ay maxkamadu socotay waxaa jiray magac dhowr jeer soo noqnoqday. Zsuzsanna ayey aheyd. Haweeneyda waxay umuliso ka aheyd tuulada.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here