Mamulka degmada Cadaado oo Bulshada Ugu baaqay qaadashada Kaarka Codbixinta Doorashooyinka

0
49

Dhuusamareeb (Idaacadda Daar-Dheer)-Maamulka degmada Cadaado ayaa baaq muhiim ah u diray dhammaan bulshada deegaanka, iyagoo ku boorriyay in ay si degdeg ah u qaataan kaarka codbixinta si ay uga qayb qaataan doorashooyinka soo socda ee heer degmo iyo heer federaal.

Guddoomiye kuxigeenka degmada Cadaado, ayaa sheegay in codbixintu ay tahay xuquuq dastuuri ah oo muwaadin kasta leeyahay, isla markaana ay muhiim u tahay hirgelinta dimuqraadiyadda iyo ka qaybgalka go’aannada masiiriga ah ee dalka.

Liban Mohamed Abdi ayaa warkan soo jeedinaya.

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here