Xuska maalinta caalamiga ah ee caafimaadka dhimirka aduunka oo lagu qabtay Muqdisho

0
43

Dhuusamareeb (Idaacadda Daar-Dheer)-Magaalada Muqdisho ayaa maanta lagu qabtay xuska Maalinta Caalamiga ah ee Caafimaadka Dhimirka Adduunka.
Xuska ayaa lagu qabtay mid ka mid ah xarumaha caafimaadka dadka dhimirka la’a ee Xabeeb, xarun caan ku ah daryeelka iyo daawaynta dadka qaba xanuunnada dhimirka, isla markaana laamo ku leh gobollada kala duwan ee dalka.
Munaasabadda waxaa ka hadlay Dr. Cabdiraxmaan Cali Cawaale (Dr. Xabeeb), oo ah aasaasaha xarumaha Xabeeb.
Isagoo ka hadlayay goobta ayuu Dr. Xabeeb tilmaamay muhiimadda ay leedahay in bulshada Soomaaliyeed ay fahmaan in caafimaadka dhimirku uu qayb muhiim ah ka yahay caafimaadka guud ee qofka.

Warkan waxaa soo jeedinaya: Abdulahi Abdulkadir Nor

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here