Maamulka degmada Cadaado oo dadka deegaanka Tuulo-Sarmaan Ugu baaqay in ay nabada ka shaqeeyaan.

0
64

Dhuusamareeb (Idaacadda Daar-Dheer)-Guddoomiye ku-xigeenka degmada Cadaado ayaa ugu baaqay shacabka ku nool deegaanka Tuulo-Sarmaan in ay ka shaqeeyaan ilaalinta nabadda iyo xasilloonida deegaanka. Baaqan ayaa yimid xilli maamulka degmada uu dadaal ugu jiro kobcinta wadajirka bulshada iyo horumarinta adeegyada aas-aasiga ah.

Guddoomiye ku-xigeenka ayaa carrabka ku adkeeyay in nabaddu tahay furaha horumarka, isagoo ku dhiirrigeliyay bulshada in ay iska kaashadaan xallinta khilaafaadka iyo taageeridda dadaallad nabada.

Warkan waxaa soo jeedinaya:Liban Mohamed Abdi.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here