Manchester United Oo Go’aan Culus Kasoo Saartay Mustaqbalka Manuel Ugarte

0
37

Dhuusamareeb (Idaacadda Daar-Dheer)-Sida uu sheegay Fabrizio Romano, Manchester United iyo tababare Ruben Amorim ayaa weli aaminsan Manuel Ugarte, inkasta oo ay qireen in bandhiggiisu aanu weli gaarin heerkii la filayay.

Romano ayaa ku qoray warbixin uu kaga hadlayo mustaqbalka Ugarte wargeyska GiveMeSport:

“Dabcan, waxqabadkiisu mar walba ma fiicna, balse tababaraha iyo kooxda waxay weli ku qabaan kalsooni Ugarte. Waxay rajeynayaan inuu si dhakhso ah u horumaro.”

Ugarte ayaa ku dhibtoonayay inuu noqdo xiddig joogto ah oo safka hore ee United, xitaa kaddib markii uu kooxda la wareegay macallinkiisii hore ee Sporting Lisbon, Ruben Amorim.

Inkasta oo Red Devils ay wali u baahan yihiin khad dhexe oo lagu kalsoonaan karo, haddana Ugarte wuxuu heystaa waqti kooban oo uu ku muujiyo in uu yahay xalka saxda ah, ka hor inta aysan United suuqa galin xagaaga dambe.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here