Israa’iil oo toogasho ku dishay 10 jir Falastiini ah

0
42

Dhuusamareeb (Idaacadda Daar-Dheer)-Wiil 10 jir Falastiini ah ayaa ciidamada Israel ku dileen tuulo ku taal koonfurta magaalada Hebron ee daanta galbeed ee la haysto.

Milateriga Israa’iil ayaa sheegay in askartoodu ay khamiistii fureen rasaas ay kaga jawaabayeen “iska horimaadyo iyo dhagax-tuur iyaga lala beegsaday”.

Dadka deegaanka al-Rihiya ayaa sheegay in Muxamed al-Hallaq iyo saaxiibadii ay kubad ku ciyaarayeen barxad dugsi oo ku taal xaafadaasi markii ay arkeen gawaari ay leeyihiin ciidamada Israel kadibna ay kala ordeen.

Waalidka ayaa sheegay in askari saarnaa dhabar dambe ee gaariga uu “si qaldan uu rasaasta uga furay” caruurta. Muxamed ayaa laga toogtay miskaha, waxaana loola cararay isbitaal ka agdhawaa halkaasi oo markii dambe la sheegay inuu dhintay.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here