Dhuusamareeb (Idaacadda Daar-Dheer)-Mashruucaan oo loogu tala-galay in xirfado kala duwan lagu baro dhalinyarada gaar ahaan kuwa beeraha ka shaqaysata, waxa laga fulin doonaa gobolka Banaadir, Maamulka Hirshabeelle iyo deegaannada maamulka Koofur-galbeed Soomaaliya.
Mashruucan oo ay maalgelisay dowladda Kanada, waxaa fulin doonta hay’adda SOS Somalia. Munaasabadda daahfurka mashruuca waxaa ka qayb-galay agaasimaha guud ee wasaaradda beeraha iyo waraabka XFS iyo xubno ka socday Dowladgoboleedyada barnaamijkan laga fulinayo.
Warkan waxaa soo jeedinaya: Abdidahir Garad Ali


