Dhalinyaro baratay xirfaddo ay ku shaqeysan karaan oo munaasabad qalinjebin loogu qabtay Dhuusamareeb

0
20

Dhuusamareeb (Idaacadda Daar-Dheer)-Munaasabad si heer sare ah loo soo agaasimay ayaa lagu qabtay magaalada Dhuusamareeb, taas oo ay ku qalin-jabiyeen dhallinyaro lagu tababaray xirfado kala duwan oo ay ku shaqeysan karaan, kadib markii ay dhameysteen barnaamij tababar xirfadeed oo ay bixisay Galgaduud Vocational Training Center.

Munaasabadda ayaa waxaa ka qeyb-galay masuuliyiin ka tirsan maamulka Galmudug, macallimiinta xarunta, waalidiin iyo marti sharaf kale. Intii lagu guda jiray xafladda, waxaa lagu soo bandhigay shaqooyin iyo farsamooyin ay dhallinyaradu ku tababaranayeen, sida farsamada korontada, dhismaha, tolidda, iyo farsamada gacanta ah.

Warkan waxaa soo jeedinaaya: Liibaan Mohamed Abdi

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here