Dhuusamareeb (Idaacadda Daar-Dheer)-Maamulka Isbitaalka Halane ee magaalada Guriceel ayaa si rasmi ah xarigga uga jaray qayb cusub oo casri ah oo lagu daryeelo afka iyo ilkaha, taasoo qayb ka ah dadaallada lagu horumarinayo adeegyada caafimaad ee gobolka Galgaduud.
Munaasabadda xarig-jarka ayaa waxaa ka qaybgalay masuuliyiin ka socday maamulka deegaanka, dhaqaatiir, iyo bulshada rayidka ah, iyadoo lagu soo bandhigay qalab casri ah oo loogu talagalay daaweynta cudurrada afka iyo ilkaha, nadiifinta ilkaha, iyo adeegyada la xiriira caafimaadka guud ee afka.
Warkan waxaa soo jeedinaya: Liban Mohamed Abdi


