Dhuusamareeb (Idaacadda Daar-Dheer)-In ka badan boqol arday oo dhammaystay tababarka farsamada gacanta ayaa xaflad qalin-jabin ah loogu qabtay magaalada Dhusamareeb ee caasimadda dowlad goboleedka Galmudug.
Ardayda ayaa muddo dhowr bilood ah ku qaadanayey tababaro la xiriira xirfado ay ka mid yihiin farsamada dhismaha, korontada, tolidda, farsamada baabuurta iyo sawir-qaadista, kuwaas oo lagu barayay xarumo lagu taageerayo horumarinta xirfadaha shaqo-abuurka ee dhalinyarada.
Liban Mohamed Abdi ayaa warkan soo jeedinaya.


