Ra’iisul Wasaare Ku-xigeenka oo furay kulan looga hadlayay dardargelinta Mashruuca Sabuun.

0
59

Dhuusamareeb (Idaacadda Daar-Dheer)–Ra’iisul Wasaare Ku-xigeenka XFS, Mudane Saalax Axmed Jaamac ayaa maanta furay kulan looga hadlayay  dardargelinta Mashruuca Jowhar Off-stream Storage Programme (JOSP) oo in muddo ah lagu howlanaa sidii loo hirgentiisa.

Ra’iisul Wasaare ku-xigeen Saalax Axmed Jaamac ayaa sheegay in mashruucani yahay mid qaran oo tiir-dhexaad u ah Qorshaha Isbeddelka Qaranka ee (2025–2029), kaas oo kor u qaadi doona maaraynta biyaha iyo horumarinta beeraha.

Mashruuca kaydka biyaha ee Jowhar (JOSP) ayaa horseedi doona in dadkeenna ay si buuxda uga faa’iideystaan kheyraadka dalka, isla markaana uu dalku ka maarmo kaalmo shisheeye, iyadoo hadii hirgalo mashruucan ay ka faa’iideysan doonaan in ka badan 300,000 oo muwaadiniin Soomaaliyeed ah.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here