Wasaaradda Tamarta iyo Khayraadka Biyaha Galmudug oo deegaanka Qaradhi ka dhagax dhigtay ceel biyood.

0
17

Dhuusamareeb (Idaacadda Daar-Dheer)-Wasiirka Wasaaradda Tamarta iyo Khayraadka Biyaha ee dowlad-goboleedka Galmudug, Oo uu wehliyo wasiir dowladaha wasaarada tamarta iyo khayraadka biyaha shariif maxamud cali ayaa dhagax dhigay mashruuca “Abaartir oo ceel biyood looga hirgelinayo deegaanka Qaradhi, oo hoos yimaada degmada Cadaado ee gobolka Galgaduud.

Munaasabadda dhagax-dhigga ayaa waxaa goob joog ka ahaa masuuliyiin ka tirsan maamulka degmada Cadaado, saraakiil ka socday wasaaradda, iyo bulshada deegaanka Qaradhi. Wasaaradda Tamarta iyo Khayraadka Biyaha ee Galmudug ayaa ku howlan hirgelinta mashaariic biyo-xireenno, ceelal, iyo xarumo biyo nadiifin ah oo lagu gaarsiinayo adeegyo biyo ah deegaanno badan oo ay weli ka jirto baahi xoog leh.

Warkan waxaa soo jeedinaya: Liban Mohamed Abdi.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here