Guddoomiue ku xigeenka Amniga iyo Siyaasadda Maamulka Degmada Dhuusamareeb oo bulshada deegaannada waqooyi ee Dhuusamareeb kala hadlay ilaalinta Xarriga Internet-ka ee Dhulka Mara.

0
48

Dhuusamareeb(Idaacadda Daar-Dheer)Cabdisamad Salaad Aadan gudoomiye kuxigeenka amniga iyo siyaasada magaalada Dhuusamareeb oo maalmahaan howlo shaqo kumarayay
deegaanada dhaca waqooyiga magaalada Dhuusamareeb ee udhaxeeya Xananbuuro iyo Dhuusamareeb ayaa dadka reer mihiga ah ee dagan kala hadlay adkaynta nabadgalyada,deegaana iyo ilaalinta xariga internetka ee maraya dhulka hoostiisa kaasi oo dhowr mar ay ishortaageen qaar kamida dadka deegaankaas dagan.waxowna sheegay in faaiido uleeyahay deegaanka xarigaasi kana qayb qaadanayo hormarka dalka soomaaliya gudoomiye Cabdisamad oo lahadlay Radio Daar-dheer ayaa dadka usheegay in cidwalba oo dhibaato ku ah nabadgalyada isna hortaagta xariga internetka inay tilaabo kaqaadayaan.

Waxaa Warbixin soo jeedinaya Bashiir Mohamed Salaad.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here