Dhuusamareeb(Radio Daar-Dheer)- Iyadoo ay fooda inagu soo hayso ciyaaraha aduunka ee Qatar 2022 ayaa dadku waxay ka dhursugayaan in ay arkaan ciyaartoyga aduunka ugu wanagsan gaar ahaan da’yarta oo doorka ugu wayn ku yeelan doona sidii ay xulalkoodu heer uga gaadhsiin lahaayeen koobka adduunka waxayna taasi la macno tahay in Ciyaartoyda caanka ah sida Cristiano Ronaldo, Lionel Messi iyo Robert Lewandowski ahayn xiddigaha ugu qaalisan koobka adduunka.
1.Kylian Mbappe:
Maqnaanshaha Erling Haaland oo lagu qiimeeyo 170 milyan oo euro ayaa la macno ah in weeraryahanka Mbappe yahay xiddiga ugu qaalisan xiddigaha ka qayb galaya koobka adduunka isaga oo qiimihiisu yahay 160 milyan oo euro.
2.Vinicius Jr:
Weeraryahanka reer Brazil iyo Real Madrid oo ku guulaystay champions League iyo La Liga xilli ciyaareedkii hore ayaa ku jira kaalinta 2-aad iyada oo lagu qiimeeyo lacag dhan 120 milyan.
3.Phil Foden:
Ciyaaryahanka reer England ee Phil Foden, oo u ciyaara kooxda Manchester City, ayaa xilli ciyaareedkan lamaane cajiib ah la sameeyay xiddiga Haaland waxana uu dhaliyay goolal muhiim ah waxnaa uu qiimihiisu yahay 110 milyan.
Marka laga soo tago saddexdaas, waxaa jira magacyo kale oo waaweyn oo iyaguna Qatar uga qayb geli doona iyaga oo ah xiddigaha ugu qaalisan waxayna kala yihiin:
4.Thibaut Courtois(Belguim) 60 milyan
5.Federico Valverde (Uruguay) 100 milyan
6.Jamal Musiala (Germany) 100 milyan
7.Alphonso Davies (Canada) 100 milyan
8.Trent Alexander-Arnold (England) 70 milyan
9.Jude Bellingham (England) 100 milyan
10.Pedri (Spain) 100 milyan