Xulka qaranka Ecuador oo guul ku bilowday Koobka adduunka, Marti galiyayaasha ayay ka adkaadeen

0
51

Dhuusamareeb (Idaacadda Daar-Dheer)Xulka Qaranka Ecuador ayaa guul ku bilowday koobka adduunka kadib markii ay garaaceen xulka Qatar ee marti galiyay koobka adduunka.Kulanka ayaa min bilowgii ilaa dhamaadka ahaa hal dhinac iyada oo xula Ecuador ka faa’iidaystay khibrad la’aanta xulka Qatar ee koobka adduunka.Xulka Ecuador ayaa maamulayay ciyaarta iyaga oo dhinac walba kaga fiicnaa xulka Qatar kuwaas oo wax walba ka samaystay kulanka.Laakiin Goolkaas ayaa la diiday kadib markii ay VAR soo dhex gashay sidaasna ku diiday goolka sabab la xidhiidha Offisde ah.Xulka Ecuador ayaa sii waday cadaadiska uu ku hayo xulka Qatar iyaga oo doonayay in ay dhaliyaan goolka furitaanka ah.Daqiiqadii 16-aad ayuu xulka Ecuador dhaliyay goolka 1-aad ee ciyaarta waxana u dhaliyay kabtankooda Enner Valencia kaas oo ciyaarta u dhiibay hogaankeeda xulka qarankiisa.Xulka Qatar oo ay ka muuqatay in uu cadaadis xoogan dareemayo ayaa samaynayay khaladaad badan isla markaas ku dhibaatooday in ay u babac dhigaan xulka Ecuador.Daqiiqadii 31-aad ayuu mar kale xiddiga Enner Valencia Dhaliyay goolka 2-aad ee xulkiisa isla markaas ciyaarta ka dhigay 2/0.Qaybta dambe ayuu xulka Ecuador Sii waday maamulista ciyaarta iyaga oo raadinayay goolal ay ku dheeraystaan hogaanka ciyaarta.Xulka Qatar ayaa u muuqday qaybtii dambe mid ciyaarta la qabsaday isla markaas si fiican u difaacanayay laakiin wali ku dhibaatoonayay in ay weerar fiican qaadaan.

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here