Brighton oo Xaaladda Ku Xumeysay Liverpool

0
56

Dhuusamareeb (Idaacadda Daar-Dheer)-Brighton ayaa guul ay mudnaayeen waxa ay ka gaareen Liverpool oo ay uga talaabsadeen sedex gool oo nadiif ah .

Fursado ayay iska qasaariyeen Brighton waa ayna kaga sareeyeen Liverpool kubad haysashada oo mararka qaar %64 ayay gaarayeen

Soo laabashadii , durba Brighton gool ayay dhaliyeen ka dib qalad baas ah ee uu sameeyay Matip kaasi oo dhashay daqiiqadii 46-aad , ka dib ciyaarta xaraarad ayay yeelatay oo Brighton cadaadis ayay bilaabeen

Brighton waxa ay u muuqdeen kuwo ay ka go`an tahay in fursadihii qeybta hore qasaariyeen ay soo gudaan waxa ayna Liverpool u diideen in ay horay u soo dhaqaaqaan iyaga oo ka  faa`ideystay daafaca kooxda Klopp oo horay u soo dhaqaaqayay waxa ayna ku keeneen gool labaad oo cajiib ah waxaana mar kale daqiiqadii 53-aad shabaqa dhigay  March

Ka dib dhacdooyinaas Liveprool , waxa au bilabeen dagaal halka Brighton rogaal celis halis ku ahaayeen , waxa uuna Klopp hal mar sameeyya afar badel isaga oo daqiqadii 69-aad soo giliyay Ben Doak,Naby Keita,Harvey Elliott iyo Joe Gomez

Rajadii Liverpool waxaa hawada ku laaday Welbeck oo badel ku soo galay kulankaas waxa uuna ka dhaliyay gool cajiib ah ka dib kubad uu ka farsameystay daafaca Liverpool iyadoo shabaqa uu dhigay daqiiqadii 81-aad

Ka dib dhacadaas , wax laga qoro ma jirin , waxa ayna ciyaarta ku dhamaatay sedexdaas gool oo ay Brighton ku badiyeen kuwaasi oo bandhig cajiib ah sameeyay kulankaas .

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here