SHAXDA ISBUUCA: 11kii Xiddig Ee Todobaadkan Ugu Fiicnaa Premier league.

0
46

Dhuusamareeb(Radio Daar-Dheer)- Arsenal ayaa sii dheereysatay hogaankeeda horyaalka Premier League oo ay ka dhigteen sideed dhibcood ka dib guushii 2-0 ee ay ka gaareen Tottenham,

Waxay ka sareeyaan Man City oo todobaadkan jab kala kulantay Manchester United oo kaalinta afaraad ku jira halka Newcastle ay farqiga goolasha ku joogto kaalinta 3aad ka dib 1-0 oo ay kaga badiyeen Fulham.

Liverpool waa la karbaashay todobaadkan waxayna ku jiraan kaalinta 9aad halka Chelsea ay wadada guusha ku soo noqotay balse ay weli fadhiso kaalinta 10aad.

Hadaba khabiirka BBC Sport Garth Crooks ayaa soo xushay shaxda ciyaartoydii todobaadkan ugu fiicnaa horyaalka Premier League.

Goolhayaha todobaadkan ugu fiicnaa waxau uu ahaa goolhayaha Aston Villa Emi Martinez oo fursado tiro badan badbaadiyay kulankii ay 2-1 kaga badiyeen Leeds United habeenkii Jimcaha.

Seddexda daafac danbe waxaa loo xushay daafaca Arsenal Ben White oo shalay aamusiyay weerarka Tottenham, Luke Shaw oo qaab ciyaareed fiican soo bandhigay kulankii Manchester Derby iyo daafaca Aston Villa Moreno.

Afarta khadka dhexe waxaa ku jira xiddigii kala dhantaalay Liverpool ee March kaasoo labo gool ka dhaliyay, waxaa ku wehliya kabtanka Arsenal Odegaard oo xaqiijiyay guushii ay ka gaareen Tottenham, waxaa sidoo kale khadka dhexe ku soo baxay Jensen oo dhaliyay goolkii labaad ee ay Brentord kaga badisay Bournemouth iyo Ward-Prowse oo sabab u ahaa guushii Southampton ay ka gaartay Everton isagoo dhaliyay labadii gool ee ay ku badiyeen.

Seddexda afka hore waxaa hogaaminaya weeraryahanka wacdarradaha dhigaya ee Man United Marcus Rashford oo mar kale shabaqa soo taabtay islamarkaana sabab u ahaa guushii ay ka gaareen Man City. Waxaa kula wehliya laacibka Arsenal Bukayo Saka oo caawiye ka ahaa labadii gool ee ay Arsenal kaga badisay Spurs iyo Johnson oo dhaliyay labadii gool ee ay Nottingham Forest kaga badisay Leicester City.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here