Dhuusamareeb (Idaacadda Daar-Dheer)-United ayaa kulankaas galeysa iyadoo ku jirta bandhig wacan waliba dooneysa in ay sii hayaan wadada guusha
Xogta Kulanka
Crystal Palace ayaa 1-0 ku garaacday Manchester United maalintii ugu dambeysay xilli ciyaareedkii hore, iyagoo ku guuleystay guushoodii ugu horeysay ee horyaalka oo ay garoonkooda ku garaacaan tan iyo 1991kii.
*Eagles ayaa isah ku haysa in ay guulo xiriir ah ka gaaraan United markii ugu horeysay taariikhdooda.
*Palace ayaa laga badiyay afar ka mid ah shantii kulan ee ugu dambeysay horyaalka, iyagoo ku guuldareystay inay wax gool ah ka dhaliyaan guuldarrooyinkaas.
*Palace ayaan wax guul ah gaarin 13 kulan oo Premier League ah oo ay ku ciyaartay gurigeeda maalin Arbaca ah tan iyo markii ay garaacday Aston Villa kulankoodii ugu horreeyay ee noocan oo kale ah bishii Febraayo 1993dii (7 barbaro iyo 6 guuldarro ah).
*Guushii 10-aad oo xiriir ah tartamada oo dhan ayaa noqon doonta guushii ugu dheereyd ee United ay gaarto muddo 14 sano ah tan iyo 11-kulan oo xiriir ah oo uu hogaamiyo Sir Alex Ferguson.
*Manchester United ayaa badisay shan kulan oo isku xigta oo Premier League ah.
*Marcus Rashford ayaa shabaqa taabtay 7 kulan oo xiriir ah tartamada oo dhan, waana ciyaaryahankii ugu horeeyay ee Manchester United ah oo sidaas sameeya tan iyo Cristiano Ronaldo bishii April 2008dii.