Maamulka Liverpool oo go’aan Ka gaadhay Mustaqbalka Jurgen Klopp.

0
62

Dhuusamareeb (Idaacadda Daar-Dheer)-Maamulka Kooxda Liverpool ayaa go’aan cad ka gaadhay mustaqbalka tababaraha Kooxda ee Jurgen Klopp kadib xilli ciyaareedkii xumaa ee kooxda.

Liverpool ayaa ku jirta kaalinta 10-aad ee kala saraynta horyaalka premier League iyaga oo kaliya badiyay 8 kulan 20 kulan oo ay ciyaartay ilaa haatan.

Kadib guuldaradii Wolves waxa soo baxay warar shaki galinaya mustaqbalka tababaraha xilli uu saaranyahay cadaadis xoogan.

Laakiin Maamulka Liverpool ee FSG ayaa si buuxda u taageersan tababaraha waxana ay doonayaan in uu sii wado maamulista kooxda Liverpool.

Sida laga soo xigtay saxafiga James Pearce, Maamulka Liverpool ayaa aaminsan in uu Klopp sii joogi doono kooxda wax walba oo dhaca xilli ciyaareedkan.

Klopp ayaa xagaaga dambe si weyn dib u dhis ugu samayn doona si uu dib ugu soo celiyo halkii ay kooxdu ku sugnayd xilli ciyaareedkii hore.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here