Arsenal oo Brentford dhaafi weyday xili qasariday fursad horyalka hugaankisa kudhereysan kartay.

0
64

Dhuusamareeb (Idaacadda Daar-Dheer)-Arsenal ayaa bar bar dhac min hal gool ah la gashay kooxda Brentford oo ay ku hishiiyeen min hal gool .

Sheekada qeybta hore : Arsenal iyo Brentford ayaa nasiinada ku aaday bar bar dhac bilaa goolal ah xili Arsenal ku sareeyeen maamulka kubadda

Sidaas oo ay tahay Arsenal qaladaad waa weyn ayaa ka dhacayay oo ah go`aan qaadasho deg deg ah

Brentford waxa ay ku jireen daafac mana jirrin halis badan oo ay sameeyeen kaliya rogaal celis ayay maciin bidayeen halka Arsenal dhamyetirka afka hore aad uga sheegteen

Arsenal in sax ah uma tageyn sedex xagalka waana ku adkeyd .

Qeybta labaad : Arsenal cadaadis ayay ku bilaabeen balse ma jirrin aragti fog oo ay ku daba maraan daafaca Brentford oo ahaa mid ah adag halka mararka qaar halis ku ahaayeen rogaal celiska .

Arsenal oo ka carareysa bar bar dhac ayaa biloowday in garbaha ka weerar tagaan ilaa ay keeneen gool si wada jir looga shaqeeyay waxaaa shabaqa dhigay Trossard daqiiqadii 66-aad .

Sidaas oo ay tahay Brentford halis ayay ahaayeen iyaga oo ka faa`ideysanayay deg degsiimo ka muuqatay daafaca Arsenal ay ku heleen goolka bar bar dhaca waxaana saxixiay Toney daqiiqadii 74-aad

Arsenal kubadda mararka qaar heer dhan %70 ayay gaareysay maamulka kubadda  waxa ayan dagaal ugu jireen gool balse daafac iyo goolhaye ayaa hor tagnaa

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here