Dhuusamareeb(Radio Daar-Dheer)-Kooxda Man City ayaa guul weyn oo muhiim ah ka gaadhay Aston Villa iyaga oo ku dhawaaday kooxda ay kula tartamayaan horyaalka ee Arsenal.
Man City ayaa kulanka ku bilaabatay si dar-dar leh iyaga oo doonayay in ay goolal dhaliyaan isla markaas isla ilaaliyaan lama filaan dhaca.
Daqiiqadii 5-aad ayay Man City hogaanka u qabatay ciyaarta waxana madax u dhaliyay xiddiga Rodri kaas oo hogaanka u dhiibay kooxdiisa ciyaartana ka dhigay 1/0.
Man City ayaa maamulaysay ciyaarta xilli ay Aston Villa qaadaysay weeraro rogaal celis ah oo ay doonayeen in ay ku dilaan Arsenal.
Kooxda Pep Guardiola ayaa cadaadis waali ah saartay kooxda Aston Villa kuwaas oo u babac dhigi kari waayay weerarka ay Man City ku qaadaysya.
Daqiqiadii 39-aad ayay Man City dhalisay goolka 2-aad kadib markii uu xiddiga Haaland caawin cajiib ah siiyay xiddiga Ilkay Gundogan kaas oo ciyaarta ka dhigay 2/0.
Man Ciy ayaan halkaas ku joogsan waxana ay sii waday raadinta goolal ay ku doonayeen in ay ku dilaan ciyaarta si ay uga hor istaagaan Villa in ay soo laabato.
Daqiiqadii 45-aad ayay Man City dhalisay goolka 3-aad kadib markii uu xiddiga Riyad Mahrez gool u badalay rikoodhe loo dhigay kooxdiisa.
Waxa sidaas ku dhamaatay qaybta hore ee ciyaarta oo ay Man City wakhti hore hubisay 3-da dhibcood ee ciyaarta
Aston Villa ayaa daqiiqadii 61-aad dhalisay gool sharafeedka waxana u dhaliyay xiddiga Ollie Watkins kaas oo ciyaarta ka dhigay 3/1.
Waxa sidaas ku dhamaatay ciyaarta oo ay Man City gaadhay guul muhiim ah oo ka caawisay in ay 3 dhibcood u jirsadaan Hogaamiyayaasha horyaalka ee Arsenal.