shirwayne looga hadlay abaarta deegaanada Galmudug oo lagu qabtay Dhuusamareeb

0
30

Shirkaan oo lagu qabtay xarunta madaxtooda Galmudug ee Dhuusamareeb uuna kaqayb galay madaxwaynaha dowlad goboleedka Galmudug Ahmed Abdi Kaariye loogana hadlayay arimaha abaarta Galmudug ayaa waxaa marti ku ahaa Ergeyga Gaarka ah ee DFS u qaabilsan arrimaha Bini’aadanimada Abdirahman Abdishakur Warsame, oo shalay galab soo gaaray magaalada Dhuusamareeb kadib safar dhulka ah oo uu kusoo maray qeybo ka mid ah deeganada Galmudug sida degmada Cadaado.
Waxaa sidoo kale shirka goobjoob ka ahaa gudoomiyaha Baarlamaanka Galmudug Mohamed Nuur Gacal,gudoomiyaha Maxkamadda Sare ee Galmudug, Xeer ilaaliyaha Galmudug, gudoomiye ku xigeenka 2aad ee Baarlamanka Galmudug, Xubno ka tirsan labada gole ee Galmudug, ganacsato, culimado, dhalinyarada iyo haween.
Madaxwaynaha Galmudug Ahmed Abdi Kaariye”QoorQoor”oo kulanka looga hadlayay abaarta kajirta deegaanada Galmudug ayaa ergayga warbixin kasiiyay halista abaarta kadhalatay si looga hortago in musiibo kale sababto.
waxaana soo jeedinaysa-Ruun Maxamuud Cismaan.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here