Wariyasha Dhusamareeb oo loo tababarayo sameeynta wararka dadka baahiyaha gaarkaa qaba

0
56
Dhuusamareeb (Idaacadda Daar-Dheer)-Urur Suxufiyiinta Soomaaliyeed Fesoj ayaa Tabar Ku saabsan sida loo tabiyo Wararka Dadka Baahiyaha Gaarka ah qaba ugu qabatay Wariyaasha Magaalada Dhuusamareeb iyo Qar Ka mid ah Dadka Baahiya gaarkaa qaba.
Furitaanka Tabarkaan Waxaa Ka soo qeybgalay Wasiirka Wasaaradda Warfaafinta Galmudug Wasiirka Wasaaradda Haweenka iyo xaquuqul insaanka Galmudug ,Wasiir kuxigeenka Howlaha Guud , Wasiir kuxigeenka Wasaaradda Waxbarashada iyo Xildhibaano Ka tirsan Dowlada Galmudug.
Wasiirka Wasaarada Warfaafinta, Dhaqanka iyo DalxiiskaDowlada Galmudug Mudane Abshir Cabdi Shiiqow ayaa Oo tabarkaan daahfuray waa Sufuxiyiinta Ku noiriyay in ay muhiim tahay in ay fursad siiyaan Dadka baahiyaha Gaarka ayna soo gudbiyaan Macluumaadyada la xariira.
Tababarka oo ay qabanayaan Ururka Suxufiyiinta Qaranka ee FESOJ ayaa waxaa ka faa’iidaysanaya 25 Saxafi iyo 15 Qofood oo ka socda Dadka Baahiyaha Gaarka ah qaba.
Wariirka ayaa Bogaadiyey Tababarka Garaadka Wariyaasha kor loogu qaadayo laguna barayo sida loo tabiyo Wararka Dadka Baahiyaha Gaarka ah qaba.

Warbixintan waxaa inoo soo jeedinaya-Abdullahi Abdulkadir Nur.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here