Dhuusamareeb (Idaacadda Daar-Dheer)-Munaasabadda Xuska Maalinta Haweenka ee 8da Maarso oo lagu qabtay Degmada Guriceel ee gobolka Galguduud waxaa soo qaban-qaabiyaya Ururka Haweenka Degamada Guriceel, waxaana ka qayb-galay Agaasimayaal ka tirsan maamulka Degmada Guriceel iyo xubno ka socday Golaha Deegaanka. Xafaladdan kooban ayaana lagu wadaagay xogo ku saabsan kaalinta haweenku kaga jiraan bulshada iyo sheekooyin la xiriira doorka ay Hooyooyinka Soomaaliyeed kasoo qaateen Samata Bixinta dalka.
Warbixintan waxaa inoo soo jeedineya-Abdidahir Garad Ali.