Dhuusamareeb (Idaacadda Daar-Dheer)-Hay’adda Maaraynta Musiibooyinka Qaranka ee SODMA ayaa magaalada Muqdisho waxaa ay shir kula yeelatay Masuuliyiin ka socday Hay’ada SIDA oo dalka Swedan laga leeyahay, waxaana inta uu shirkan socday labada Hay’adood ay ka wada hadleen howlaha gurmadka degdegga ah ee Soomaaliya.
Masuuliyiinta ayaa waxay kulanka kadib kormeereen Xarunta la socodka xaaladaha Degdegga ah iyo xarunta Gurmadka Qaran waxaana ugu dambayn ay xarigga ka jareen Xarunta Gurmadka Degdegga Qaran oo Hay’adda SIDA ay Soomaaliya ku taageertay.
Warbixintan waxaa inoo soo jeedineya: Abdidahir Garad Ali