Liverpool oo guuldaro qaraar kala kulantay Kooxda ugu horeysa horyaalka

0
44

Dhuusamareeb (Idaacadda Daar-Dheer)-Kulankii ugu horeeyey ee horyaalka ingiriiska todobaadkan waxa lagu furay naadiyada Liverpool & Bourmouth ,  Liverpool ayaa isha lagu hayey  waxa ay la iman karto kadib xasuuqii ay ugeesten naadiga man utd todobaadkii tagay ,

Ciyaarta  oo waqti hore bilaabatay ayaa laheyd xiiso & xamaasad, bilowgiiba Liverpool ayaa laga garan karay , fursadii ugu horeysay waxa ay aheyd koorno kliverpool ay soo laaday ayaa waxa madaxa ku dhuftay kadib mid kamid ah xidigaha bourthmouth ayaa goosha kasoo saaray.

Wax yar kadib fursadaasi kooxda martida loo ahaa fursad gool loo filan karay ku heshay gudaha diilinta ganaaxa kooxda Liverpool iyadoo fursadaasi uu qasaariyey Odango xidiga numbarka 11aad ka qaata kooxda Bourmouth.

Laakiin wax walba waxey isbadaleen daqiiqadii 28aad markii kooxda Liverpool lagu helay fursad xaqiiqi ah taasoo gool uu ubadalay xidiga Philp Billing si natiijada uga dhigo 1-0 .

Markale ayey fursad kale wiilasha guriga lahaa ay ku heleen  Liverpool kadib kubad lasoo dhaafiyey xidigaha Liverpool ayaa solanke uuku helay gudaha rigoorada laakiin waa awoodi waayey inuu xukumo kubadaasi  si natiijada qeybtii hore ay ugu soo idlaato 1-0 oo hogaanka ay ku heysay Bourmouth.

Qeytii dambe halkeeda ayey kasii socotay ciyaarta iyadooo aad ay uxamaasad badneyd , waxa lamaqlayey sawaxanka & qeylada kooxda guriga laheyd, Liverpoolna waxey isku dayeysay iney keento goolka bar baraha , waxey abuureen fursado dhowr ah .

Daqiiqadii 69aad Liverpool waxa ay heshay gool ku laad kadib markii xidig kamid ah Bourmouth uuku taabtay kubada hawada kujirtay gudaha rigoorada waxa uu tuuray salah lkn nasiib daro waa uu lumiyey rigooradaasi, sidaas ayeyna kudhamaatay ciyaarta.

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here