Dhuusamareeb (Idaacadda Daar-Guddoomiyaha Gobobolka Banaadir Ahna Duqa Magaalada Muqdisho Yuusuf Xuseen Jimcaale (Madaale) ayaa dhagax dhigay mashruuc Buundo loogu dhisayo waddada 21 October ee ee degmada Waabari, waxaana dhagax dhigaasi goob joog ka ahaa Guddoomiye ku-xigeenka Amniga iyo Siyaasada ee Maamulka Gobolka Banaadir, Guddoomiye ku-xigeenka howlaha guud ee Gobolka Banaadir iyo xubnaha kale oo kamid ah Guddiga Fulinta ee Shirka Hormuud telecom.
Dhagax dhiga mashruucan oo ay fulineyso Shirka Hormuud telecom ayaa ah mid ay baahi weyn u qabeen bulshada isticmaasha waddadaasi gaar ahaan Ardayda dhigata School-ka 21-October kuwaas oo qatar kala kulmi jiray Gaadiidka isticmaala Wadddadani.
Warbixintan waxaa inoo soo jeedineysa-Hamdi Diriye Ali