Dhuusamareeb (Idaacadda Daar-Dheer)Real Madrid awood isaga xaadirisay wareegga 8-da Champion-ka ka dib guul ay ka gaareen kugta labaad wareega 16-ka Champion-ka kooxda Liverpool oo marti u aheyd , wax aayna ku garaaceen hal gool
Inkastoo dhamaadkii Liverpool fursad xaqiiq ah abuureen lagana bad baaidyay hadana si ayay gaabis u ahaayeen oo si ayay foojignaan badan uga muuqatay , waxaana jirtay fursado Real ku heleen wiilasha Klop balse birta iyo goolhayaha ayaa is hor taagay
Liverool maksxiyan ma xumeyn waqtigooda ayay sugayeen waana sameeyeen dhamaaadkii qeybta hore
Real waxa ay door bidayeen kubadaha banaanka laga toogto laakiin goolhayaha Liverpool ayaa foojignaa , waxa ayna Real dhankooda ciyaarayeen daafac afka hore ah
Soo laabashadii , Real kubadda waa gaarsiineysay aagga goosha Liverpool balse nasiibka iyo goolhayaha ayaa hor taagnaa , waxa ayna Liverpool u muuqdeen kuwo ay ku adag tahay in kubadda jiidaan.
Liverpol kubadda waa looga badnaa balse daafaca ahaan waa wacnaayeen xilli guud ahaan ciyaarta u muuqatay mid gool laga filan karo marka la eego isku dayada Real
Fursado waa cunayeen Real ilaa Benzema goo uu fadhiga ku baasta JR uu dhaliyay daqiiqadii 78-aad , horayna ayaana laga badalay waxa la arkayaya isaga oo lutinaya xilliga dabaal degga
Si waliba waxa ay ciyaarta ku djamaatay halkaas gool ee ay Real wareegga xiga ugu gudubtay xilli wadarta labada kulan noqotay 6/2
Dhan kale Napoli ayaa iyana gudubtay ka dib guul sedex gool ah oo ay ka gaareen Frankfurt oo kulankii hore laba gool ku soo garaaceen