Kooxaha Iska Xaadiriyay Wareega 8 Dhamaadka Champions League oo dhaamystiran.

0
90

Dhuusamareeb (Idaacadda Daar-Dheer)-8-kooxood ayaa u soo baxay wareega 8 dhamaadka tartanka champions League xilli ciyaareedkan.

Kooxda Benfica ayaa ahayd kooxda ugu hor gudubtay wareega 8 dhamaadka kadib markii ay 7/1 kaga badisay kooxda Club Brugee labadii lugood ee kulanka halka ay sidoo kale isku mar la soo baxday kooxda chelsea kuwaas oo garaacday Borussia Dortmund.

Kadib Bayern Munich ayaa 3-0 ku garaacday kooxda Paris Saint-Germain halka ay Ac Milan ka reebtay tartanka kooxda Tottenham una gudubtay wareega 8 dhaamaadka champions Legaue.

Man CIty ayaa xasuuqday kooxda RB Leipzig iskana xaadirisay wareega kadib markii ay 7/0 kaga kooxda reer Germany sidoo kale kooxda Inter Milan ayaa iska xaadirisay wareega xiga kadib markii ay 1/0 kaga badisay labadii kulan ee tartanka.

Kooxda Real Madrid ayaa ku celisay guushii ay ka gaadhay liverpool iyaga oo 1/0 uga badiyay Reds isla markaas 6/2 uga badiyay kooxda Liverpool labada lugood.

Sidoo kale napoli ayaa iska xaadirisay wareega xiga ee tartanka kadib markii ay 3/0 uga badisay kooxda Eintracht Frankfurt kulankii lugta 2-aad ee tartanka.

 

Halkan hoose kaga bogo Liiska kooxaha u gudbay wareega 8 dhamaadka

 

1-Benfica (Portugal)

2-Bayern Munich (Germany)

3-Man City (England)

4-Chelsea (England)

5-Inter Milan (Italy)

6-Ac Milan (Italy).

7-Real Madrid (Spain)

8-Napoli (Italy)

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here