Isbitaalka Deegaanka Docol ee gobolka Mudug oo dib loo furay

0
89

Dhuusamareeb(Radio Daar-Dheer)-Isbitaalka Guud ee deegaanka Docol oo ka tirsan Gobolka Mudug ayaa dib loo furay kadib 7 sano uu xirraa, waxaana Maamulka deegaanka iyo bulshada oo iskaashanaya ay qaab isku tashi bulsho ah ku hirgeliyeen isbitaalka.

Xubno katirsan maamulka Dowladda Hoose ee Gaalkacyo Galmudug ayaana u ahadceliyay dadka Docol iyagoo sheegay in laga maarmi doono in Gaalkacyo oo 40 Km u jirta adeeg caafimaad loo doonto.

Warbixintan waxaa soo jeedinaya:- Abdidahir Garad Ali

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here