Waxaa Dhuusamareeb(Radio Daar-Dheer)-Maantay Degmada Cadaado ee Gobolka Galgaduud ee dowlad goboleedka Galmudug lagu qabtay munaasabad lagu dhaariyay Xildhibaanada Golaha deegaanka Degmada Cadaado Oo ay soo qaban qaabisay Wasaarada Arrimaha Guddaha Dowladda Galmudug.
Xaflada Dhaarinta ayaa Waxa Kasoo qayb galay Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Gudaha Dowladda Galmudug Mudane Cabdi Maxmed jamac (Cabdi wayel) Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Arrimaha Gudaha Galmudug Mudane Omar Abdi Mohamed, Xildhibaano, Culmo Awdiin, Haween, Cuqaal Iyo Gdoomiyaha Degmada Cadaado ee hada xilka kadagaya.