Dhuusamareeb (Idaacadda Daar-Dheer)-Agaasimaha Arimaha Bulshada Degmada Guriceel seyidcali Cabdi Xirsi ayaa kulan la qaatay ururka haweenka degmada Guriceel.
Ururka Haweenka ayaa maamulka degamda kacodsaday in ay helaan xafiis ay kushaqeyan ururka Haweenka Guriceel iyo sidoo kale in ay helaan tababaro.
Agaasimaha Arimaha bulshada Guriceel seyidcali Cabdi Xirsi ayaa balanqaaday in maamulka degmada uu garab istaag usameeynayo ururka haweenka,loona dhisi doono xafiis u gaar ah oo ay yeeshaan.
Warbixinta waxaa soo jeedinaya:- Abdulahi Abdulkadir Nor