Arsenal iyo Liverpool oo barbaro isladhafi wayey Kulan Ka Dhacay Anfield.

0
52

Dhuusamareeb (Idaacadda Daar-Dheer)-Liverpool iyo Arsenal ayaa ku kala baxay bar-baro kulan xiiso lahaa oo ka dhacay Anfield kulan ka tirsanaa premier League.

Kulanka ayaa ahaa mid ay labada kooxood kala qaybsadeen ciyaarta iyada oo koox walba si fiican u ciyaartay qayb.

Arsenal ayaa si dar-dar leh ku bilaabatay ciyaarta iyaga oo Liverpool ku qaadayay weeraro aan kala joogsi lahayn iyaga oo adeegsanayay weeraro rogaal celis ah.

Gunners ayaa doonaysay in ay gool wakhti hore ah ka dhaliso Liverpol xilli ay kooxda Klopp u muuqatay kuwo khal-khalsan dhinaca daafaca.

Daqiiqadii 7-aad ayay Arsenal dhalisay goolka 1-aad waxana u dhaliyay xiddiga Gabriel Martinelli kaas oo hogaanka u dhiibay kooxdiisa ciyaartana ka dhigay 1/0.

Daqiiqadii 28-aad ayay Arsenal dhalisay goolka 2-aad waxana u dhaliyay xiddiga Gabriel Jesus kaas oo hogaanka u dheereeyay kooxdiisa ciyaartana ka dhigay 2/0.

Daiiqadii 42-aad ayay Liverpool dhalisay gool waxana u dhaliyay Mohamed Salah kaas oo ciyaarta dib u furay kana dhigay 2/1.

Qaybtii dambe ayay Liverpool ku bilaabatay ciyaarta si dar-dar leh waxana ay qaadayeen weeraro aan kala joogsi lahayn xilli ay Arsenal u muuqatay kuwo daafac galay.

Daqiiqadii 54-aad ayay Liverpool heshay rikoodhe waxana u istaagay xiddiga Mohamed Salah laakiin rikoodhada ayuu ka khasaariyay kooxdiisa.

Kadib dadaal waali ah oo ay Liverpool samaysay waxa ay daqiiqadii 87-aad dhalisay goolka bar-baraha waxana u dhaliyay xiddiga Roberto Firmino kaas oo ciyaarta ka dhigay 2/2.

Liverpool ayaa sii waday dadaalka waxana ay heshay fursado ay hogaaka ugu qaban kartay ciyaarta laakiin Liverpool ayaa iska khasaarisay furssdahaas.

Waxa sidaas ku dhamaatay ciyaarta oo ay labada kooxood ku kala bexeen kula xiiso lahaa oo ay labada kooxood kala qaybsadeen ciyaarta.

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here