Dhuusamareeb (Idaacadda Daar-Dheer)- Qoysas tiradoodu gaarayso 850 oo danyar ah ayaa loo qaybiyay Deeg raashin ah oo ka timid dalka Sucuudiha. Hay’adda Khayriga ah ee Tadaamun ayaa raashinkan u qaybisay qoysaskan danyarta ah oo ku nool degmada Daniile, maamulka degmadaasi ayaana ka mahad-celiyay deeqdan gargaarka ah.
Warbixintaan waxaa soo jeedinaya:- Abdidahir Garad Ali