Dhuusamareeb (Idaacadda Daar-Dheer)-Ka dib xamaasad laheyd , City ayaa guul ay u qalantay waxa ay ka gaareen Munich oo marti ugu aheyd lugta 1-aad ee wareega 8-da Champion-ka , waxa ayna uga talaabsadeen sedex gool oo nadiif ah
Qeybta hore : waxa ay nasiinada ku aadeen gool City laheyd xilli Munich mararka qaar ku sareeyeen kubad haysashada
City marka laga yimaado goolkaas gantaalka ahaa ee uu dhaliyay Rodri marar kale ayay sigeen goosha kooxda reer Jarmal xilli goolhayahana uu fursado ka bad baadiyay .
Qeybta labaad , Munich ayaa ku biloowday qaab cadaadis ah kubadana meel fog ayay ka tooganayeen xilli fursado ay sameeyeen uu is hor istaagay goolhayaha City.
Sidaas oo ay tahay daqiiqadii 50-aad City gool ayay ku sigteen balse qaab wacan ulama macaamilin kubadda taasi oo ay sii dheer tahay bad baadabada goolhayaha Jarmalka
Qeybta labaad, waa ka xaraarad badneyd tii hore , gantaal Munich ay ku laadeen goosha City waxaa soo bad baadiyay goolhayaha , waxa ayna ciyaarta aheyd mid deg degsiimo laheyd iyadoo wiilasha Jarmalka ku dhawaanayeen gool oo waa ay sigayeen shabaqa reer Ingiriis.
City ma yareysan jawigana waa la qabsanayay iyadoo ay tagayeen goosha Munich waxaana daqiiqadii 56-aad gool u diiday goolhayaha Munich
Munich aad ayay halis u ahaayeen balse goolhayaha City ayaa aad u foojignaa xilli Jarmalka half garoon kula ciyaareen City balse City halistooda waa taagneyd ilaa gool labaad ay heleen daqiiqadii 70-aad waxaana saxiixay Silva ka dib kubad uu ka shaqeeyay
Ka dib goolkaas labaad , City kubadda waa maamuleen waxa ayan ku sigayeen gool sedexaad balse goolhayaha ayaa bad baadnayay balse Haaland markii ayaa la gaaray gool cajiib ayuuna dhaliyay daqiiqadii 77-aad
Stones ayaa u diiday Munich gool hubaal ahaa halka wiilasha Pep u nuglaayeen gool 4-aad balse waxaa si mucjiso uga bad baadiyay goolhayaha Munich , si ksataba waxa ay ciyaarta ku dhamaaty sedex gool