Dhuusamareeb (Radio Daar-Dheer)-Magaalada Gaalkacyo ayaa tababar loogu soo xiray saraakiisha booliska gobolka Mudug.
Tababarkan oo socday muddo saddex maalin ah ayaa saraakiisha lagu barayey sidii ay uga taxadari lahaayeen baarista, awood dhiska cadaalada iyo in la ilaaliyo xuquuqda aadanaha xiliga lagu guda jiro baarista eedaysanayaasha.
waxaana xiritaanka munaasabadda goobjoog ahaa masuuliyiinta maxkamadda ciidamada DPL , Maamulka gobolka, Degmada iyo saraakiil ka socotay Booliska iyo maxkamadaha.
Warkaan waxaa soo jeedinaysa:- Hamdi Dirie Ali