Man United oo War Xun Ka Heshay Xaalada dhawaca xidigaha Martinez & Varane.

0
49

Dhuusamareeb (Radio Daar-Dheer)-Kooxda Man United ayaa war xun ka heshay xaalada daafacyada Lisandro Martinez iyo  Raphael Varane kuwaas oo dhaawac uga baxay kulankii Sevilla ee Europa League.

Labada xiddig ayaa dhaawac uga baxay kulankii Sevilla kulan ka tirsanaa europa League kana dhacay garoonka Old Trafford.

Sida laga soo xigtay wargayska The Athletic, xiddiga Lisandro Martinez ayaa la xaqiijiyay in uu seegi doono inta ka dhiman xilli ciyaareedkan kadib dhaawacii soo gaadhay.

Xiddiga Lisandro Martinez ayaa kulankii Sevilla ka baxay isaga oo ooyaya kadib markii uu dhaawacmay waxana laga cabsi qabay dhaawaca soo gadhay xiddiga.

Dhinaca kale kooxda Man United ayaa xaqiijisay in ay wali qiimayn ku waddo xaalada dhaawac ee Raphael Varane kadib markii uu dhaawac ka soo gaadhay kulankii Sevilla.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here