Hordhaca: Chelsea Vs Brighton: Blues oo Rikoodh Fiican Ku Leh Brighton.

0
74

Dhuusamareeb (Radio Daar-Dheer)-Kooxda chelsea ayaa marti galinaysa kooxda Brighton kulan ka tirsan premier League kana dhici doona Stamford bridge.

Chelsea ayaa kulanka soo galaysa iyaga oo doonaya in ay ka baxaan natiijooyinka xun ee ay ku jireen kulamadii ugu dambeeyay.

Dhinaca kale Brighton oo aan waligeed chelsea kaga badin Stamford Bridge ayaa doonaysa in ay ka baxdo rikoodhkaas oo ay garaacdo Blues.

Kulanka: Chelsea Vs Brighton

Tartanka: Premier League

Wakhtiga: 5:00

Garoonka: Stamford Bridge

XAQIIQOOYINKA KULANKA:

Chelsea weligeed guuldarro lagama badin garoonkeeda kulan horyaalka ah oo ay la ciyaarto Brighton and Hove Albion, Kaliya hal gool ayaa laga dhaliyay 7-dii kulan ee ugu dambaysay ee ay ku ciyaartay, Stamford Bridge (5 guul iyo 2 barbaro),Saddex ka mid ah afartii kulan ee ugu dambeeyay ayaa ku dhamaaday barbaro.

Guushii Brighton ee 4-1 ee is aragii hore waxay ahayd guushoodii ugu horeysay abid ee horyaalka oo ay ka badiyaan Chelsea 15 isku day (4-bar-baro, iyo 10)

Chelsea ayaan wax guul ah gaarin 4-tii kulan ee ugu dambeeyay horyaalka waxana ay ku fashilantay in ay wax gool ah dhaliso 4-tii kulan ee ay ciyaartay tartamada oo dhan.

Waxaa laga yaabaa inay ku guuldareystaan inay gool dhaliyaan kulan afaraad oo xiriir ah horyaalka markii ugu horeysay tan iyo 2007dii.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here