Dhuusamareeb (Radio Daar-Dheer):-Milan ayaa diiday in ay guuldarro kala kulanto Kooxda ay martida u ahayd ee AS Roma kulan ka tirsanaa horyaalka Talyaaniga kana dhacay garoonka Olympic Stadium ee caasimadda Talyaaniga.
Markii layskugu soo laabtay qaybtii danbe ee ciyaarta ayay koox kastaaba ku celcelisay isku daygii ay ku doonaysay goolka ay ku doonaysay in ay hogaanka ugu qabato ciyaarta.
Laakiin dadaaladii wakhtiga caadiga ahaa ee ay sameeyeen labada kooxood ayaan samayn wax midho dhal ah iyada oo ay labada kooxood ku dhibaatoodeen in ay goolal kala dhaliyaan.
5-tii daqiiqo ee ugu dambaysay ee ciyaarta ee lagu daray ayay labada kooxood sameyeen dar-dar aan horay loogu arag ciyaarta iyada oo koox walba doonayso in ay dhaliso goolal.
Kooxda AS Roma ayaa ku guulaystay in ay dhaliyaan gool wakhti dambe ah gaar ahaan daqiiqadii 90+4-aad ee wakhtigii dheeriga ahaa waxana u dhaliyay xiddiga Tammy Abraham kaas oo ciyaarta ka dhigay 1/0.
Laakiin Ac Milan ayaan is dhiibin waxana ay sii waday dadaalada ay ku doonayso in ay ku bar-barayso ciyaarta waxana ay samaysay fursado aan kala joogsi lahayn.
Daqiiqadii 90+7-aad ayay Milan dhalisay goolka bar-baraha waxana u dhaliyay xiddiga Alexis Saelemeakers kaas oo ciyaarta ka dhigay 1/1 ay kooxdiisu bar-baro ku tahay.
Waxa sidaas ku dhamaatay ciyaarta oo ay Labada kooxood daqiiqadihii ugu dambeeyay ee ciyaarta kala dhaliyeen goolasha kulanka kuna heshiiyeen 1/1.