Madaxweynaha Soomaaliya oo kulan la qaatay haldoorka haweenka Soomaaliyeed.

0
60

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud, ayaa kulan afur ah ku maamuusay haldoorka haweenka Soomaaliyeed, iyadoo munaasabadda 8-da Maarso ee Maalinta Haweenka Adduunka lagu qabtay.

Madaxweynaha ayaa bogaadiyey doorka haweenka Soomaaliyeed ee geeddi-socodka dimuqraadiyadda, isagoo xusay muhiimadda ay leedahay in haweenka Soomaaliyeed ay si firfircoon uga qeyb qaataan hanaanka doorashooyinka tooska ah, fursad u siinaysa inay codkooda dhiibtaan, u tartamaan xilalka qaranka, isla markaana ay door muuqda ku yeeshaan hoggaanka dalka.

Warkan waxaa faah faahinaya:Abdifitah Mohamed

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here