Adeegyo caafimaadka oo la gaarsiiyey Macadul Miftaax ee degmada guriceel.

0
48

Dhuusamareeb (Idaacadda Daar-Dheer)-Madax ka socotay Mu’asasada Baxarunuur, gaar ahaan qaybteeda caafimaadka, ayaa daawooyin iyo agab caafimaad gaarsiiyay Mac-hadka Miftaax oo ka mid ah macaahidda hoos timaada Mu’asasada.

Deeqdan daawooyinka ah ayaa qeyb ka ah dadaallada joogtada ah ee Mu’asasada Baxarunuur ay ku taageerto xarumaha waxbarasho iyo bulshada guud ahaan, si kor loogu qaado caafimaadka ardayda iyo shaqaalaha.

Mas’uuliyiinta Mac-hadka Miftaax ayaa uga mahadceliyay Mu’asasada Baxarunuur kaalinta ay ka qaadanayso horumarinta caafimaadka iyo daryeelka bulshada, iyagoo xusay in daawooyinkan ay gacan weyn ka geysan doonaan adeegyada caafimaad ee gudaha mac-hadka.

Warkan waxaa soo jeedinaysa: Sacdio Abdulkadir Yusuf.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here