Dhuusamareeb (Idaacadda Daar-Dheer)-Agaasimaha Guud ee Hay’adda Socdaalka iyo Jinsiyadaha Soomaaliya, Mustaf Sheekh Cali Dhuxuloow, ayaa faahfaahin dheeraad ah ka bixiyay horumarka iyo adeegyada casriga ah ee hay’addu ku soo kordhisay mudadii 6-dii bilood ee ugu dambeysay.
Wuxuu xusay in hay’addu ay dadaal badan gelisay horumarinta adeegyada ay bixiso si loo dedejiyo, loo tayeyeyo, loona amniyeeyo habka bixinta baasaboorrada, fiisayaasha, iyo adeegyada kale ee la xiriira socdaalka iyo jinsiyadda. Waxaa sidoo kale uu tilmaamay in la keenay qalab casri ah oo fududeynaya shaqada, lana hirgeliyay nidaamyo elektaroonik ah oo casri ah oo lagu maamulo xogta muwaadiniinta iyo socdaalka.
Warkan waxaa soo jeedinaya: Liban Mohamed Abdi