Iyadoo laba maalin ka hor ay wasaaradda Caafimaadka iyo Daryeelka Bulshada Galmudug la wareegtay Isbitaalka Guud ee gobolka Galgaduud ayaa agaasiamaha Isbitaalka Dr Abukar Ali Farah oo dhowaan Wasaaraddu u magacowday waraysi aan la yeelannay waxa uu faahfaahin uga bixiyay Ahmiyadda Isbitaalka iyo kaalintii uu kulahaa Daryeelka bulshada.Waxaa uu Diktoorku sheegay in inta uu joogo ay u qorshaysantahay in isbitaalku bixiyo adeeg ku filan bulshada kaasoo si bilsaash ah bukaannada loogu daweeyo.
Waxaa uu dhanka kale xusay in ay jiraan caqabado saamayn ku leh adeegga looga baahanyhay isbitaalka ISAGOO BULSHADA REER Galmudug ka codsaday inayka qayb-qaataan horumarinta Isbitaalka.
Isbitaalkan oo uu aasaasay Gumaystihii Talyaaniga ayay dib u dhistay Dowladdii Millitary-gu balse waxaa uu ku burburay dagaalladii dalka ka dhacay, hadda muddo labaatan sano ku dhow waxaa gacanta ku haayay Dr Axmad Mahdi oo iskii ugu istaagay wax ka qabashada Isbitaalka oo uu dhismihiisa qurxiyay bulshadana uu ugu adeegi jiray si bilaash ah.
Warbixintan waxaa soo jeedinaya–Cabdidaahir Garaad Cali